Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta
Dallas (/ˈdæləs/) waa magaalo aad u weyn oo ku taala gobolka Tegsaas ee wadanka Maraykanka. Magaalada Dallas waa tan 4aad ee ugu weyn magaalooyinka wadanka Maraykanka marka loo eego baaxad ahaan, laakiin waa mida 3aad ee ugu dadka badan gobolka Tegsas, marka laga reebo Houston iyo San Antonio.
Jiritaanka caasimadan waxay ka soo unkantay taariikh ahaan waa helitaanka iyo qodida saliida iyo cudbiga, waxaana aad u caawiyay ineey korto oo fido wadooyinka tareenka ee iskugu yimaada badhtamaha magaalada. Intaas waxaa dheer, magaaladani waxay fadhi u tahay dowlada Dallas County, laakiin waxay gaadhsan tahay ilaa Kolin County, Denton County, Kaufman County iyo Rockwall county, kuwaasi oo dhamaan ku hareersan magaalda. Tiro koob dadka ah oo dowlada wadanka Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka ayaa lagu ogaaday in magaalada Dallas leedahay shacab ku dhaqan oo gaadhaya ilaa 1,197,816, midaasi oo sii kortay sanadihii xigay ilaa sanadkii 2014ka la sheegay in shacabka magaaladu gaadheen 1,281,047.
Xaga dhaqaalaha waxaa la sheegay in Dallas tahay magaalada 6aad ee ugu dhaqaalaha badan wadanka Maraykanka, mida koowaad ee 12ka kowni ee la isku yidhaahdo "DWP", iyo mida 3aad ee ugu awooda badan gobolka Tegsas. Waxaana sanadkii 2013ka lagu xusay dhaqaalaha magaaladan GDP of $448 bilyan. Sidoo kale waxay Dallas tahay magaalada ugu koritaanka badan ee wadanka Maraykanka; iyo mid ka mid ah afarta magaalo ee ugu shaqada badan dalkaasi dhexdiisa, (waxaa ka horeeya oo kali ah magaalooyinka New York, Los Angeles iyo Chicago).
Dhaqaalaha magaalada Dallas wuxuu ku dhisan yahay ganacsiga, wershadaha, tamarta, teknoolojiyada casriga ah, bankiyada, soo saarida koombuyuutarada, isgaadhsiinta, caafimaadka iyo cilmi-baadhista. Waxaana degan magaaladan qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn wadanka Maraykanka, sida "Fortune 500" Waxaa magaaladan loo aqoonsaday wakhtiyada dambe ineey Dallas tahay mid ka mid ah caasimadaha ugu waaweyn dunida, ayadoo ah magaalo caalami ah iyo mida 14aad ee ugu GDP sareeysa caalamka.
Magaalada Dallas waxay dhacdaa waqooyiga gobolka Tegsas, waana xarun weyn oo isgaadhsiin gaadiidka cirka iyo dhulka, waxayna isku xidhaa deegaanada koonfurta gobolkaasi iyo waqooyiga. Intaas waxaa dheer, magaalada Dallas waxay leedahay mid ka mid ah gego diyaarad kuwa mashquulka badan caalamka, halkaasi oo tiro badan oo diyaarado ah isku weeydaartaan saacad kasta. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...
- ... in Qooleey (Sawirka) uu yahay nooc ka mid ah shimbiraha dadku dhaqdaan?
- ... in qooleeydu ay tahay shimbir caqli badan oo taqaan meesha uu ku yaal gurigeeda?
- ... in waagii hore qooleeyda loo isticmaali jiray isgaarsiinta, isla markaana ay qaadi jirtay waraaqaha la isku diro?
- ... in qooleeydu ay ka soo duuli karto meel u jirta 1300 km gurigeeda, iyadoo dib ugu soo noqon karta?
- ... in xawaaraha qooleeydu ku duuli karto uu u dhexeeyo 80 ilaa 120 km saacaddii?
- ... in dadka qaar ay cunaan qooleeyda, isla markaana qooleydu loo aqoonsado shimbirta nabadda?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh
Xuseen Kulmiye Afrax (1920 -1993) wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kacaanyahan iyo siyaasi soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Soomaaliya laga soo bilaabo 1971 ilaa 1989 iyo jagooyin siyaasadeed oo kala duwan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan
Dawlad Federaal ah ama dawlad midow ah Ama dawlad dhexe waa qaab ka mid ah qaabka dawladnimo, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen gobollo ama degmooyin ama dawlado wada nool iyagoon kala go´in, dawladii ugu horeeysay ee caalamka samaysaty habka Federalka waxa ay ahayd Maraykanka markii ay ka xuroobayeen Ingiriiska waxaa isku tagay markii ugu horeysay 13 gobol 1787, 2 sano kadib waxaa la sameeyey dastuur federal ah dawladdaasna waxaa madax ka noqday Giorge washington.
Habka Federaalka Federaalnimadu waa hab dasturi ah oo Dawladda dhexe oo kor ka matasha waxayna leedahay awoodeeda sharci dajineed , fulinta iyo maxkamadaheeda. Laakiin gudaha waxa ay noqonayaan gobollo kala madax banaan, sida caadiga ah waxaa dhacaysa awoodaha in ay kala qaybsadaan dawlada dhaxe iyo gobolada hab dasturi ah.
Waxa ayna noqonaysaa sidaan soo socota:
- 1 In la xadido aoowda maamul goboleedyeda ee looga dambeeyo Dawlada Federaalka ah
- 2 in Dawlada awoodeeda la yareeyo ee loo daayo goboloda maamulkooda
- 3 in loo daayo dastuurka waxa uu qabo.
Soomaaliya iyo Federaalka Horta oraahda ah Federaal lagu dhaqmo waxaa ugu horeeysay ee afkiisa laga maqlo madaxwaynihii hore ee Soomaaliya 2004-2008 Cabdullahi yuusuf axmedee lagusoo doortay shirkii embegati ee ka dhacay kiinya oktober 2004 tii asigoo ka helaya gacan madax ay saaxiibo yihiin haba ugu horeeyee Melle zenawi, kadibna waxa uu ku guuleeystay in Dawladda lagu magacaabo Dawlad federaal ah "TFG" Dowladda federalka isla markaana kumeel gaar ah.
Waxaa asigana ku xigay oo mar labaad kor uqaaday Dawlad kasta ee dhalataa in ay qaadato nidaamka Federaalka ah ninka lagu magacaabo Md C/raxmaan Faroole ee ah Madaxa maamulka Puntland. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Saylac .
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo